Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka ciidamada xoogga dalka ayaa soo saaray awaamiir adag oo ku wajahan saraakiisha iyo askarta ka howlgasha deegaannada Koofur Galbeed, xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo cabashooyin la xiriira doorashooyinka maamulkaasi.
Awaamiirta kasoo baxday taliska ayaa si gaar ah diiradda u saaray in ciidamada laga fogeeyo arrimaha siyaasadda iyo sugidda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Taliska ayaa si adag u mamnuucay in saraakiisha iyo askartu ku milmaan ama ka qeyb qaataan arrimo siyaasadeed, iyadoo dhammaan xubnaha ciidamada lagu amray inay ku laabtaan cutubyadooda isla markaana ay ku sugnaadaan goobahooda shaqo.
Sidoo kale, waxaa la mamnuucay in rasaas micno darro ah lagu rido magaalooyinka iyo goobaha shacabka, iyadoo la sheegay in askari kasta oo jebiya amarkaasi laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Amarka ayaa sidoo kale mamnuucaya in askari lagu arko isagoo xiran dhar shacab ah isla markaana wata hub iyo agab ciidan, iyadoo tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falkaasi.
Taliska Qeybta 60-aad ayaa ugu dambeyn ciidamada faray inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Awaamiirtan ayaa kusoo beegmaya xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay doorashada hoggaanka ugu sarreeya ee maamulka Koofur Galbeed, iyadoo xubno badan ay shaki geliyeen sida ay u socoto qaban qaabada doorashada madaxtinimada maamulkaasi.
Sidoo kale, weli waxaa taagan cabashooyin xooggan oo ay qabaan xubno taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta Gareen, kuwaas oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Bay.




