Monday, May 4, 2026

Wasiir hore Fardowsa Cismaan oo iska casishay xil ka tirsan Xisbiga MW ee JSP.

Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Egal, ayaa shaacisay in ay iska casishay xilkii ay ka haysay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Qoraal ay ku baahisay barteeda Facebook ayay ku sheegtay in ay si rasmi ah uga baxday xisbiga, iyadoo xustay in ay hore u ahayd Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta ee JSP.

“Aniga oo ah Xildhibaan Fardowsa Cismaan Egal waxaan iska casilay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo aan ka ahaa Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta,” ayay tiri Fardowsa.

Iscasilaaddeeda ayaa ku soo aadaysa xilli ay jiraan warar sheegaya in xubno ka mid ah hoggaanka iyo saraakiisha sare ee xisbiga ay isbeddello siyaasadeed sameynayaan.

Horey xubno badan ayaa ugu baxay xisbiga, waxaa uuna u muuqdaa mid burbur ku socda Xisbigan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles