Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaanka. SomaliaTourism Guide
Kormeerkan ayaa la sheegay inuu ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Mas’uuliyiinta ayaa intii ay ku sugnaayeen Ceeldheer kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amniga, horumarka howlgalada socda, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa sidoo kale bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sare u qaadayso howlgallada militari ee ka socda qaybo kamid ah gobollada dhexe, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab.




