Saturday, July 4, 2026

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka.

Kulanka ayaa lagu dhageystay warbixin ku saabsan heerka uu marayo diyaar-garowga munaasabadda, iyadoo guddigu ay soo bandhigeen qorshayaasha la xiriira qabanqaabada, soo dhoweynta martida, sugidda amniga iyo howlaha kale ee muhiimka u ah qabsoomidda munaasabadda.

Hoggaamiyaha iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa bogaadiyey dadaalka guddiga, iyagoo ku adkeeyey in la dardargeliyo howlaha haray si munaasabadda caleema-saarku ugu qabsoonto si habsami leh oo heer sare ah.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu xoojiyey muhiimadda iskaashiga hay’adaha dowladda iyo guddiyada kala duwan si loo xaqiijiyo in munaasabaddu u dhacdo si wanaagsan, isla markaana ay ka tarjumeyso midnimada iyo horumarka Dowladda Koonfur Galbeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles