Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Faarax Nuux ayaa digniin adag u diray shirkadaha diyaaradaha iyo dhammaan hay’adaha ka shaqeeya gudaha garoonka Aadan Cabdulle, isagoo carrabka ku adkeeyey ilaalinta xuquuqda musaafiriinta, nadaafadda, bilicda iyo sumcadda Garoonka Aadan Cadde oo ah wajiga koowaad ee dalka.
Wasiirka oo raalligelin ka siiyey shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa ka jawaabay ciladaha joogtada ee ku yimid adeegyadii garoonka, isaga oo ka digay in shirkadaha diyaaradaha ay ku tacaddiyaan muwaadiniinta ay u adeegayaan.
Waxa uu ballan-qaaday in lala xisaabtami doono shirkad kasta oo ku xad-gudubta xuquuqda iyo adeegga ay u baahan yihiin musaafuriinta.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa shaaciyey in shirkadda Favori loo qabtay muddo 7 maalmood ah si ay u saxdo khaladaadka jira, kadib shirar dhacay 5-tii iyo 6-dii bishan May.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo deg deg ah haddii aan wax isbeddel ah lagu arag muddada loo qabtay.




