Tirada khasaaraha ka dhashay weerarkii Riyadh oo korortay.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in muwaadin u dhashay Pakistan oo ku noolaa Sacuudiga uu ku dhintay, halka 11 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerar Axaddii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh.

Marka lagu daro 13-kii qof ee lagu dilay weerarkii Sabtidii lagu qaaday garoonka, tirada guud ee dadka ku dhintay labada weerar ayaa gaartay 14 qof. In ka badan 300 oo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarkii Sabtidii.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in weerarkii Axaddii uu sidoo kale sababay burbur hantiyeed oo ka dhacay garoonka, iyadoo weli la qiimeynayo khasaaraha ka dhashay

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles