Dad ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti.

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay kaddib markii doon ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Jabuuti, halka tobannaan qof oo kale weli la la’yahay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.

Doonta ayaa ka soo ambabaxday Jabuuti, iyadoo ku sii jeedday Yemen, waxaana saarnaa 305 qof markii ay rogmatay habeenimadii Khamiista, meel u dhow magaalada dekedda leh ee Obock.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in ku dhowaad 82 qof la soo badbaadiyay.

Alexandre Coissac, oo ah madaxa xafiiska IOM ee Jabuuti, ayaa musiibadan ku tilmaamay “xusuusin cad” oo muujinaysa khatarta ay muhaajiriintu wajahayaan marka ay raadinayaan nolol cusub meel kale.

Hay’addu waxay sheegtay in sannad kasta tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika ay galaan safarkan khatarta badan, iyagoo rajaynaya inay gaaraan dalalka Khaliijka si ay uga helaan ammaan iyo shaqo.

IOM ayaa Axaddii tirada dadka dhintay ka kordhisay 109 qof ilaa 139, kaddib markii la helay meydadka 30 qof oo kale.

“Waa khasaare nafeed oo aad u murugo badan,” ayuu yiri Coissac.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles