Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo astaan u ah qarannimada, midnimada iyo halgankii gobannimo-doonka. Waxaa laga joogaa 72 sano markii calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda ku leh loo sameeyay ummadda Soomaaliyeed.
Calanka Soomaaliya ma aha oo keliya maro buluug ah oo xiddig cad dhexda kaga taal, balse waa astaan xambaarsan taariikh, halgan iyo himilo ku saabsan midnimada dadka Soomaaliyeed, kuwa ku nool gudaha dalka iyo kuwa ku kala nool dhulka kale ee Soomaalidu degto.
Taariikhda calanka waxaa saldhig u ahaa dadaalladii halgamaayaashii Soomaaliyeed ee doonayay in ummadda la mideeyo, lagana xoreeyo gumeysiga. Xilligii halganka gobannimo-doonka, ururkii SYL ayaa ka mid ahaa xoogaggii ku dadaalay sidii loo heli lahaa astaan mideysa Soomaalida.
Sida uu sheegay halgamaagii Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura, oo ka mid ahaa 13-kii aasaasay SYL, habeenkii la dhisay ururka waxaa laga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen dastuur, mabaadi’da ururka iyo calan ka tarjumaya himilada dadka Soomaaliyeed.




