Monday, June 29, 2026

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS.

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid Jaamac Faarax, oo uu wehelinayay Taliyaha Guutada 17-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa kulan dhiirrigelin iyo is-xog-waraysi ah la qaatay saraakiisha Guutada 17-aad.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dardargelinta gudashada waajibaadka qaran, xoojinta wada-shaqeynta, horumarinta hoggaaminta, iyo kor u qaadista niyadda ciidamada.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa lagu ammaanay dadaalkooda iyo heeganka ay ugu jiraan difaaca dalka, iyadoo lagu dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan sugidda amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles