Wednesday, February 12, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa hambalyo ku aadan sannad guurada 70-aad ee kasoo wareegatay maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12-ka October la wadaagay shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan u dabaal dageynaa 70-sano guuradii ka soo wareegatay xuska markii ugu horeysey ee aan yeelanno astaanta dalkeenna, taasoo sharaf iyo karaamo u ah qof kasta oo Soomaali ah, Alle ha u naxariisto halgamayaashii sababay guusha aan heysano.” ayuu yiri Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles