Sunday, February 16, 2025

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo la kulmay Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Wang Yu.

Safiirka ayaa ugu horrayn ugu hambalyeeyay Wasiirka dedaalkiisa ku aaddan difaaca madax bannaanida Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Shiinuhu uu garab taagan yahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in maanta ay tahay sannad guuradii 10-aad ee furitaanka safaaradda Shiinaha, wuxuuna ugu hambalyeeyay Wasiirka iyo shacabka Soomaaliyeed Maalinta Calanka Soomaaliya 12 Okt.

Wasiirka ayaa dhankiisa ka hadlay guusha Shirka FOCAC ee labada dal, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga labada waddan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles