Saturday, July 18, 2026

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la-qaatay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK Ee Soomaaliya, Colonel Andy Seddon, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo howlgallada iyo horumarinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo UK.

Intii uu kulanku socday, Taliyaha Ciidanka Xoogga Ibraahin Maxamed ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la-xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK.

Dhankiisa Taliyaha Howlgallada ee Dowladda UK, Colonel Andy Seddon, ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda UK ksa go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo horumarinta awoodda Ciidanka XDS.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles