Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagey Dugsiga Tababarka Gen. Gordon, halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee XDS.
Taliyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Gaarka ah, Sareeye Guuto Aadan maxamed cumar -Aadan dheere, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda guud ee dugsiga iyo horumarka tababarrada ka socda.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta tayada tababarka, dardargelinta ciidamada, iyo dhiirrigelinta askarta. Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalkooda, naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay difaaca dalka. Sidoo kale, wuxuu la kulmay saraakiisha iyo macallimiinta bixiya tababarrada kala duwan, isagoo bogaadiyey doorkooda ku aaddan tayeynta ciidamada.
Intii uu kormeerku socday, ciidamada ayaa soo bandhigay dhoollatusyo iyo xirfado muujinaya heerka tababarka ay gaareen.
Geba-gebadii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo macallimiinta shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan dugsiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda joogtada ah ee lagu horumarinayo aqoonta iyo anshaxa ciidannimada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




