Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud (Kaarshe), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray kulanka bilowga Nidaamka Digniinta Hore ee Khataraha Soomaaliya (S-MHEWS).

Kulanka ayaa looga hadlayaa hirgelinta nidaam ay hay’adaha dowladda ku mideysan yihiin, kaas oo bixiya digniinta hore ee khataraha kala duwan (National Multi-Hazard Early Warning System).

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka kala socda Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Hay’adda SoDMA iyo masuuliyiin ka tirsan Urur Goboleedka IGAD.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles