Dowladda Mareykanka ayaa soo fara gelisay xiisadda u dhexeysa Villa Soomaaliya ee Koofur Galbeed, iyadoo safiirka wadankaasi uu bilaabay kulamo wadatashi ah.
Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Richard H. Riley ayaa maanta la kulmay Siyaasiyiinta Mucaaradka Koofur Galbeed oo uu kala hadlay doorashooyinka Soomaaliya, xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeeya DFS iyo Koofur Galbeed, waxaana isa soo taraya saan-saan is-doorasho oo uu damacsan yahay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.
Amb. Riley ayaa sheegay in Mareykanka uu taageerayo doorasho loo dhan yahay oo xor iyo xalaal, sidoo kalena ay muhiim tahay in la maqlo oo la ixtiraamo aragtiyada kala duwan.