Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose aaa sheegaya in kooxo hubeysan xalay ay ku dileen nin shacab ah oo ka mid ahaa dadka degan degmadaas .
Marxuum la dilay auaa lagu magacaabayay Xasan Dabarow waxaam lagu dilay bartamaha Suuqa Qaadka ee degmada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose.
Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay Warbaahinta in ay baxsadeen raggii dilay marxuumka, lamana oga sababta loo dilay ninkan.
Ciidamada Booliska saldhiga a degmada Afgooye ayaa howlgal ay ka sameeyay degmadaas mana jirto ilaa hadda Dad loo soo qabtay dilkaas..