Wednesday, March 19, 2025

Shir ku Saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa shir guddoomiyay kulan lagu jaangoynayo yoolalka Wasaaradda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (NTP 2025-2029).

Kulanka waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah Mudane Hamza Aadan Haadow iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda, iyagoo diiradda saaray arrimaha mudnaanta leh ee diblomaasiyadda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025-2029) waa khariidad lagu gaaraayo koritaanka dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta maamulka, kaas oo xoojindoono xasilloonida gobolka, isku xirka dhaqaalaha, iyo saameynta caalamiga ah ee dalka. Kulanku wuxuu xoogga saaray horumarinta yoolalka diblomaasiyadda iyadoo loo marayo iskaashiga goboleed, ka qaybgalka qurba-joogta, iyo soo jiidashada maalgashiga.

Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda, Mudane Jibriil Afyare, ayaa soo bandhigay hindisayaal la jaanqaadaya Qorshaha, halka Agaasimaha Arrimaha Sharciga, Mudane Mahad Maxamed, uu ka hadlay arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed.

Wasaaraddu waxay ballan qaaday inay taageerto horumarinta qaranka iyo isku xirka caalamka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles