Friday, November 8, 2024

Qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo maanta ka dhacay xaafadda Ceelka Cali Geedi ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada Kaaraan ayaa la sheegay inuu ahaa miino la sii dhigay goob maqaaxi ah oo ay fariistaan dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa miino, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Kaaraan ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo wada baaritaano la xariira cida geystay qaraxaan dadka shacabka ahaa lagu dilay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax noocaan oo kale ah lala eegto goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah, waxana Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid magaalooyinka dalka horay uga dhacay qaraxyo sidaan oo kale loola eegtay maqaayado ay fariistaan dad shacab ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles