Wednesday, March 19, 2025

Saciid Deni oo maanta furaya kal-fadhiga 55aad ee golaha wakiilada Puntland.

Maanta oo Sabti ah waxaa Garoowe ka furmaya kalfadhiga Golaha wakiilada Mamaul Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la filayaa inuu si rasmi ah u furo kal-fadhiga 55aad ee golaha wakiilada Puntland.

Sidoo kale halkaasi ayuu ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono waxqabadka xukuumadda uu hoggaamiyo iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Khilaafka u dhexeeya Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ee Federaalka ayaa la filayaa inuu kaga hadlo khudbadda uu ka jeedin doono kal-fadhiga 55aad ee golaha wakiilada.

Kal-fadhigaan waxaa kale oo lagu casumey xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Sooamaliya deegaan doorashadooduna tahay Puntland, waxaana ay kulamo la yeelan doonaan madaxda dowladda iyo ururada bulshada rayidka ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles