Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu maalmaha soo socda ku sugnaan doono.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa si diirran usoo dhoweeyay Hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo qeybaha kala duwan bulshada.
Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa daarran xoojinta dowlad-dhiska , isaga oo inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb kulammo la qaadan doona hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.




