Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladaha guud ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta howlaha dowladda.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbixinno ku saabsan howlaha shaqo iyo waxqabadka wasaaradaha ka dhageystay dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, kuwaas oo soo bandhigay heerka ay marayaan qorshayaasha iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada ku bogaadiyey dadaallada ay wadaan, isagoo faray in la xoojiyo hufnaanta shaqada, dardargelinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda.




