Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa ku dhawaaqday olole ka dhanka ah la dagaalanka doonyaha iyo maraakiibta jiriifka ee kalluumeysiga sharci-darrada ah ka sameeya xeebaha Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in gaadiid (doonayaha ama maraakiibta), shirkad, howlwadeen iyo wakiil kasta oo lagu helo in ay ku xadgudbeen kalluumeysiga Puntland laga qaadi doono tallaabo adag.
Dhanka kale Puntland waxay tilmaantay in ay gacmo furan ku soo dhaweynayso maalgashi kasta oo kalluumeysi oo sameynaya shaqo-abuur iyo xoojinta meesiga kalluumeysiga.




