Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaas oo uu guddoomiyay Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo mudnaan u leh Dowlad-dhiska iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed kuwaas oo ay ka mid yihiin Amniga, Xaaladaha Bini’aadantinimo, Doorashooyinka iyo Horumarinta adeegyada Dowladda.
Golaha Wasiirada ayaa warbixinno ka dhageystay Wasiirka amniga, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxaha khalkhal gelinaya amniga.
sido kale Waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladaha nololeed ee shacabka, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen abaaraha iyo barakaca, iyadoo la isla qaatay in la kordhiyo gurmadka iyo taageerada loo fidinayo dadka nugul.
Golaha Wasiirada ayaa sido kale falanqeeyay geeddi-socodka doorashooyinka, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ay ku qabsoomaan si hufan, cadaalad ah, oo waafaqsan shuruucda dalka.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa farey xubnaha golaha wasiirada in la dardargeliyo shaqooyinka muhiimka uah adeegaya bulshada, isla markaana la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda si loo gaaro xasillooni, horumar iyo nabad waarta.
Golaha Wasiirrada ayaa ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo shacabka ay ka wada shaqeeyaan xoojinta nabadda, horumarinta, iyo midnimada.




