Saturday, July 18, 2026

Musharaxa urur siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb si weyn loogu soo dhaweeyay musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, Wafdiga musharaxa waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, xildhibaanno, wasiirro iyo madax kale.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminayay madaxdii kala duwaneyd ee soo dhaweysay musharaxa, isla markaana ah hoggaanka ololihiisa, ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Galmudug ee ka kala yimid degmooyin iyo deegaanno kala duwan doorka ay ku leeyihiin taageerada Ururka JSP iyo sida ay garab ugu taagan yihiin.

Xoghayaha Guud ee JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, oo madasha soo dhaweynta ka hadlay, ayaa bogaadiyay sida shacabka Galmudug ugu diyaar garoobeen doorashada dadweynaha ee dhawaan dhici doonta, isaga oo ka codsaday inay codkooda ku aaminaan musharaxa ururka JSP.

Musharaxa hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo soo dhaweynta kaddib si toos ah ula hadlay dadweynihii iyo madaxdii soo dhaweysay, ayaa uga mahadceliyay socdaalka dheer ee ay u soo galeen taageerada ururka.

Waxa uu sidoo kale goobta kaga dhawaaqay inuu yahay musharaxa hoggaamiyaha Galmudug, isaga oo xusay saddex qodob oo uu mudnaan siin doono haddii uu xilka ku guuleysto.

Qodobadaasi waxay kala yihiin: adkeynta amniga, dib u heshiisiinta bulshada Galmudug, iyo inuu lix bilood gudahood Galmudug kaga xoreyn doono Khawaarijta ku sugan qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug.

Soo dhaweynta musharaxa, oo ay dadweynuhu isaga kala yimaadeen degmooyinka iyo gobollada Mudug iyo Galgaduud, ayaa muujinaysa sida ay ugu heelan yihiin taageerada Ururka JSP iyo guud ahaan doorashooyinka dadweynuhu codkooda ku dhiibanayaan ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan Galmudug.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles