Askari ka tirsan Ciidanka ammaanka magaalada Muqdisho ayaa fashiliyey, kana hortegay Naftii halige is-miidaamiye ah oo isku soo xiray Qarxa.
Is-miidaamiyaha Alshabaab ayaa doonayay inuu isku Qarxiyo goob maqaaxi ah oo ku taala degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir, balse waxaa daba galay askari ka shakiyey oo ku amray inuu joogsado.Askariga oo si wayn uga foojignaa ayaa la sheegay inuu fahmay Is-miidaamiyaha lagu soo xiray Suunka Qaraxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan askargii iyo ciidamo kale.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray kaliya hal askari oo ka mid ahaa askartii fahmay in dhagar qabahaan uu ku xiran yahay qarax.