Monday, February 10, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Denjirayaal cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga denjirejimo ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblumaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya.

Danjireyaasha cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ka guddoomay aqoonsigooda ayaa gaaraya ilaa 8 Safiir, waxaana Safiiradaas ka mid Rowaid Adil Mohamed oo ah Danjiraha cusub ee Falastiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Safiiraddaan muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay ka socdaan, isagoona faray in la adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga.

Danjireyaasha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalalkooda ayaa dhankooda uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweynta diiran, iyagoona soo bandhigay sida ay uga go’an tahay iney dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka gudoomay warqadaha aqoonsiga iyo dalalka ay ka kala socdaaan ayaa kala ah sida hoos ku xusan.

1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan
2. Amb. Rowaid Adil Mohamed – Danjiraha cusub ee Falastiin
3. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand
4. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania
5. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal
6. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda
7. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria
8. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles