Thursday, June 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda gaaray magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda maamul goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu halkaasi joogo waxa uu xarig jari doonaa xarunta cusub ee madaxtooyada Hirshabeelle, Xarunta Baarlamaanka, Wasaarado iyo goobo kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu halkaasi ku sugan yahay wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda u sarrayso maamulka Hirshabeelle, saraakiisha ciidamada, duubabka dhaqanka iyo waxgaradka magaalada magaalada Jowhar.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles