Waxaa maanta si rasmi ah xilka Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ula wareegay Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kadib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.
Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xilka kala wareegay Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo muddooyinkii la soo dhaafay hoggaaminayay maamul goboleedka Koonfur Galbeed si ku-meel-gaar ah.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, xubno ka socday hay’adaha dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Hoggaamiyaha cusub ku wareejiyey dukumiintiyada iyo masuuliyadaha xafiiska, isaga oo ugu hambalyeeyey xilka loo doortay, una rajeeyay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.
Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa shaqadii iyo dadaalkii uu geliyay xilliga kala guurka, isaga oo ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.




