Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ka qeyb galay munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho, taasoo lagu lagu saxiixayay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.
Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo ay ku taamayeen muddo dheer dadka reer Galmudug, wuxuuna sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
“Itoobiya Dekad Maheysato sidaa darteed Hobyo waxaa halkaas uga furan Ganacsi Fiican, dhibaatada jirtaa wey Xalismeysa waqti dhow, Dekada Hobyo waxay ka mid tahay Dekadaha ugu waa weyn dalka waxayna u adeegi doonta magaalooyin badan oo ka mid ah dalka, waan ku faraxsanahay mudo dheer kadib in riyooyinkeena rumoobaan” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada iyo shirkadaha iney maal gadashadaan Dekada Hobyo oo uu xusay in maanta la saxiixayay heshiiskii ugu dambeeyay.