Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa utagay magaalada Xarardheer si uu xal uga gaaro Askar la sheegay in ay ka gadoodeen Dhacdadii habka qabiil loogu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo kusii jeeday Gobolka Hiiraan.
Jeneraal Odowaa ayaa horay u amray ciidamadaasi inay saldhigyadooda iyo goobihii ay difaacyada ugu jireen ay kusoo laabtaan oo xal laga gaari doono wixii ka dhacay Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhowanahaanba waxa uu kusugnaa Jeneraal Odowaa Yuusuf Degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud halkaasi uu kawaday abaabulka iyo dib u bilaabida dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa geesiyaasha Xoogga Dalka iyo Ciidanka Degaanka ku boggaadiyay sida ay Dadkooda iyo Dalkooda alshabaab uga difaacayaan wuxuu faray inay sii xoojiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Waxaa soconaya dadaalo nabadeed oo lagu dejinayo xiisad iyo carro ka dhalatay askartii Dowladda ka tiranayd ee lagu laayay Ceel Baraf.