Wednesday, February 12, 2025

Bilowga sanadka cusub Israel oo Gaza ku dishay 17 ruux.

Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ka waddo Gaza ayaa sii socda,iyadoo manta oo ah kowda bisha Janaayo ee sanadka cusub, la dilay ugu yaraan 17 falastiiniyiin ah oo ku sugnaa waqooyiga Jabalia iyo xerada dhexe ee al-Bureij.

Duqeymanka Israel ee Gaza ayaa imaanaya xilli roobab culus oo maalmo socday ay daadad ku sameeyeen boqollaal hooy oo cooshado ah waxaana sii kordhaya dhibaatooyinka heysta dadka barakacay ee reer Falastiin.

Waxaa soo baxaya qeylo dhaan ku saabsan in gurmad degdeg ah oo dhinacyo badan loo fidiyo dadka reer Gaza oo waqtigaan la ildaran qabow aad u daran oo sababay dhimashada dad u badan carruur.

Qaramada Midoobay ayaa Israel ka dalbaday in ay joojiyaan sii waddidda xaddidaadda gelitaanka gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Gaza,iyagoo dhinaca kale xusay in  weerarrada Israa’iil ee isbitaallada Gaza ay keeneen burbur ku yimid adeegyadii caafimaad iyo in ay kordhaan tirade dhimashada ee dadka rayidka ah.

Sidoo kale,Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan heyn wax caddeymo ah oo la xiriira in kooxah Falastiin ay ku dhex  dagaalamaan cisbitaalada iyo goobaha barakacayaasha sida ay ku doodayaan ciidamada Israel.

Tirada dhimashada ee Falastiin ayaa gaartay ugu yaraan 45,541,halka dhaawaca lagu sheegay 108,338 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles