Thursday, September 19, 2024

Howlgal cusub oo looga dhawaaqay degaannada Hir-Shabeelle

Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle oo ay wehlinayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo masuuliyiin kale ayaa deegaanka Carmooleey oo hoostaga Degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe ku booqday Boqolaal ka mid ah Ciidamada difaaca shacabka ee dib u xoreynta deegaanada galbeedka Hirshabelle ee la Magac baxay Duufaanta Sheekh Xasan Barsane ee ku sugan degaanka Carmooleey.

Ujeedka kormeerkooda ayaa ahaa u diyaar garoowga ku aadan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo la filayo inay dhawaan ka billaawdan degaano ku yaalla Galbeedka degaannad aiyo degmooyinka Hir-Shabeelle si looga saaro Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle Maxamed Cabdiraxman Kheyre oo la hadlay Ciidamada ayaa sheegay in dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle dadaalkii uu ku bixiyay howlgalkii lagu xorreeyay degaannada ku yaalla Bariga degaannada Hir-Shabeelle ay ku bixin doonaan Galbeedka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa sheegay in Al-Shabaab ay diidan yihiin horumarka degaannada kuyaalla Galbeedka Hir-Shabeelle, isla markaana awood kastaoo ay leeyihiin ay isaga celin doonaan.

Degaano badan oo kuyaalla Galbeedka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weli ku sugan Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle oo kaashanaya Ciidamada degaanka ay doonayaan inay ka saaraan Al-Shabaab.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles