Saturday, December 14, 2024

Gudoomiye Yabooh oo bulshada Yaaqshiid ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sugida Amniga

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xubno kale ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaalada amni ee Caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid.

Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane  Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo Saraakiisha Amniga Degmada, ayaa waxa uu Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo Ganacsatada, asigoona la shaah-cabay Odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.

Mudane Yabooh ayaa sheegay in kormeerkaan uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo Amniga Caasimadda, asigoona Bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida Amniga, iyagoo la shaqeynaya Maamulka Degmada iyo laamaha Amaanka degmadaas

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles