Thursday, September 19, 2024

Xildhibaan Odowaa oo si Adag u Difaacay Qadiyafda Falastiin

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka  tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa si adag ugu hadlay qaddiyada Falastiin iyo dagaalka hada ka socda Qasa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo la hadlayey arday qalin badalanaysay ayaa xusay in xiisadda hadda Qasa ka taagan ay tahay mid caalamka oo dhan indhaha ku hayaan.

Dadkaas xerada lagu xiray sawaariikh ayaa lala dhacayaa mana haystaan meel ay u baxsadaan iyo meel  u furan ayuu yiri Xildhibaan Odowaa”.

Dhiigeena iyo dhacaankeena weeye Falastiin, waana in aan u hiilinaa, balse anigu kama mid ihi kuwa madaxa foorarinaya, ee waan inaan ugu yaraan ducaynaa“ ayuu intaas raaciyey.

Sidoo kale’ Xildhibaan odowaa ayaa dowlada iyo shacabka soomaalida ugu baaqay in sida yihiin si ka weyn dadkaas loogu gurmado oo caawinaad loo aruuriyo Falastiin oo xilligan ku jira waqti adag ayna ku socdaan duqaymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Israa’iil ka gaysanayaa Qasa.

Waa  Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Golaha shacabka kuna dhiiraday in uu si toos uga hadlao xiisada ka taagan Qasa tan iyo 7-dii bishan october markii uu bilowday dagaal u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles