Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel oo hoostaga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, una xilsaaran isku duwidda, mideynta, jaangooynta, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha ee Dowladda Federaalka, si muwaadinku uu u helo adeegyo kala duwan oo isku xiran.
Xarunta Adeeg Bixinta ee Halmeel, ayaa u-astaysan isku duwidda adeegyada dowladda iyo mideyntooda, dib-u-habeynta adeegyada adag iyo yareynta lakab-xafiiseedka, fududeynta xog is-dhaafsiga u dhexeeya hey’adaha dowladda, si muwaaddinku uga maarmo in uu hal-xog marar kala duwan iyo goobo kala duwan ku bixiyo.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Heshiis hoos yimaada Qaramada Midoobay ee sharciga Badaha (Unclose) ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awoodda Qaran (BBNJ Agreement).
Golaha ayaa intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, maaliyadda iyo xaaladda Wabiyada dalka oo ay daraasad iyo warbixin dhamaystiran kasoo gudbisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan kadib markii warbixintii amniga ee lasoo bandhigay ay muujisay in amniga dalka uu si weyn usoo hagaagay, si weyna hoos ugu dhaceen falalkii amni darada guud ahaan dalka.




