Thursday, April 23, 2026

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Xalay ka qeybgalay Kulan Wacyigelin ah

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Xalay hoggaamiyay kulan wacyigelin bulsho oo heer sare ah, oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta horumarinta Caasimadda, oo lagu qabtay degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin: Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo mas’uuliyiin kale oo heerar kala duwan, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay xubno ka socday bulshada ku dhaqan saddex degmo oo kala ah, Warta Nabadda, Hawlwadaag iyo Boondheere.
Waxa uu ujeedku ahaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya shacabka iyo hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo horumar loo dhan yahay.
Mas’uuliyiinta ayaa khudbado ay jeediyeen ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay doorka shacabka ee sugidda amniga, iyagoo ku dhiirrigeliyey bulshada in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, islamarkaana ay si firfircoon uga qaybqaataan horumarinta adeegyada bulshada, nadaafadda deegaanka, iyo bilicda caasimadda.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale si qoto dheer looga dooday xalalka lagu sii horumarin karo amniga iyo horumarka ka jira degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay kor-u-qaadidda wacyiga bulshada iyo xoojinta wadashaqeynta dowladnimo si loo gaaro yoolalka istaraatiijiyadeed ee horumarineed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dib u xaqiijiyey ka go’naanshaha ku aaddan sii wadidda kulamada noocan oo kale ah, si loo xoojiyo xiriirka dowladda iyo bulshada, loona dhiso caasimad ammaan ah oo horumar waara gaarta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles