Wednesday, February 5, 2025

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo galinkii dambe ee Shalay ka dhacay deegaanka Xalaalay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa aha mid u dhaxeeyay ciidamada difaaca deegaanka iyo kuwa kooxda Al-shabaab, waxaana lasoo wariyay inuu geystay dagaalka khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.

Inta la xaqiijiyay ilaa 6 ruux oo laba ka mid ah yihiin ciidanka deegaanka afarta kalana yihiin Al-shabaab ayaa ku geeriyootay dagaalka ka dhacay deegaanka Xalaalay ee gobolka Hiiraan, sida uu shabakada HOL u xaqiijiyay qof ka mid ah dadka deegaankaas.

Dagaalkaan ayaa daba socda dagaalo goos goos ahaa oo maalmahii lasoo dhaafay ku dhexmaraayay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Halgan iyo Buula burte ee bartamaha gobolka Hiiraan.

Xubnaha Al-shabaab ee ka dagaalamaya deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa ah kuwa Wabiga Shabeelle kaga soo talaabada dhanka Galbeedka gobolka oo wali kooxdu ku leedahay fariisimo waa weyn.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles