Wasiir Fiqi ayaa u gudbiyay rajada uu ka qabo soo laabashada nabadda iyo xasilloonida dadka reer Ukraine, Labada wasiirba waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee Ukraine iyo Soomaaliya.
“Waxaan uga mahadceliyey Soomaaliya taageerada ay siisay madax-bannaanida Ukraine iyo midnimada dhuleed,” ayuu yiri wasiir Andrii Sybiha.
Wasiirka waxa uu shaaca ka qaaday baahida loo qabo in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed, lana ballaariyo iskaashiga labada dhinac uu ula jeeday Dowladaha Ukraine iyo Soomaaliya.
Dowladda Ukraine sanado waxaa ka jira colaad kala dhaxeeya Dowladda Ruushka oo dooneysa in qeybo kamid ah dhulka Ukraine ay ku darto wadankaasi Ruushka.