Halyeeygii hore ee Manchester United, Eric Cantona, ayaa si adag ugu baaqay FIFA iyo UEFA in Israel laga mamnuuco kubadda cagta caalamiga ah, isagoo tusaale u soo qaatay sida Ruushka looga saaray tartamada caalamiga ah.
Cantona ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda “Together for Palestine” oo lagu qabtay Ovo Arena Wembley, halkaas oo ay ka soo qeyb galeen fanaaniin iyo jilayaal caan ah, sida Damon Albarn, Bastille, PinkPantheress iyo Benedict Cumberbatch.
Cantona ayaa yiri:“Afar maalmood kaddib markii Ruushku ku duulay Ukraine, FIFA iyo UEFA waxay mamnuuceen Ruushka. Hadda waxaa laga joogaa 716 maalmood waxa Amnesty International ugu yeertay xasuuq, haddana Israel weli waa loo oggol yahay inay ciyaaraan.”
Xilligii Ruushka la mamnuucay 2022, UEFA iyo FIFA waxay ka saareen xulka qaranka iyo kooxaha Ruushka dhammaan tartamada, waxayna weli wajahayaan ganaaxaasi, taasoo ka dhigan inaysan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka 2026 ee lagu qaban doono Maraykanka, Canada iyo Mexico.
Si kastaba, Madaxweynaha UEFA, Aleksander Ceferin, ayaa dhowaan sheegay inuusan taageersanayn in cayaartoyda la mamnuuco.
Wuxuu u sheegay wargeyska Politico:
“Waxa halkaas ka socda si shakhsi ah way i dhaawacayaan, laakiin dhinaca kale, anigu ma ihi taageere in cayaartoyda la ciqaabo. Iyagu danbi ma lahan.”
W/Q Mohamed Hassan Nor Jillibeey




