Thursday, January 2, 2025

Doorashada Mareykanka oo mel Xasaasi ah mareysa iyo tartanka Musharrixiinta oo billawday.

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa la filayaa in ay u dareeraan goobaha codbixinta 5-ta November, xilli doorashada madaxtinimada Mareykanka ay foodda nagu soo heyso. Waxaa hadda ka dhiman 14 maalmood oo keliya maalinta doorashada, hase ahaatee, gobollo badan ayaa horay u billaabay codbixinta waqtiga hore, taasoo siinaysa fursad dadka doonaya in ay codkooda dhiibtaan ka hor maalinta rasmiga ah.

Bishii September ayaa codbixinta waqtiga hore si rasmi ah uga billaabatay gobollo badan, taasoo dadka u oggolaaneysa in ay codkooda dhiibtaan si horudhac ah. Sidoo kale, gobollo kale ayaa shacabka u oggolaaday in ay codkooda ku diraan boostada qaranka, taasoo ka mid ah hababka lagu fududeeyo codbixinta ka hor maalinta weyn ee doorashada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles