Wednesday, February 12, 2025

G/Yabooh oo xarigga ka jaray waddo laga hirgeliyay Degmada Kaaraan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax Cadaani Maxamed ayaa xarigga ka jaray waddo Interlock ah oo loogu magac daray Eng Axmed Sheekh Hassan, taasoo laga hirgeliyay Waaxda Wajeer ee Degmada Kaaraan.

Munaasabadda furitaanka waddada cusub ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada.

Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta kaabayaasha degmada, ayaa waxaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaadato isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles