Monday, February 10, 2025

Xubannimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee QM oo si rasmi ah u bilaabtay.

Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 54 Sano ka dib, iyadoo horay loogu doortay kursiga xubin aan joogto aheyn ee muddada 2025-2026.

Xubinnimadan cusub ayaa bilaabatay maanta, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, โ€œWaxaa naga goโ€™an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.โ€

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles