Tuesday, May 5, 2026

DFS oo Beenisay in la ceyriyay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay warar lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in la eryayo Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay si cad u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana wax u dhimaya xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Waxay ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada inay muujiyaan mas’uuliyad iyo xirfadnimo, ayna ku tiirsanaadaan xogaha rasmiga ah marka ay faafinayaan wararka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ka digtay faafinta warar khaldan oo lagu wiiqayo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles