Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa soo gabagabeeyay socdaal maal mahaan u uku marayay degaanada Maamulkaasi.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dib ugu laabtay caasimada Hirshabeelle ee Jowhar kaddib safar shaqo oo qaatay muddo 21-maalin oo ku maray degmooyinka iyo deegaanada laga saaray AS.
Cali Guudlaawe ayaa degaanada qaar waxaa uu ka daahfuray mashaariiic hormarineed, waxaaana sidoo kale uu dhagax-dhiggay goobo waxbarasho iyo kaabayaal kale oo muhiim u ah bulshada degaanka.
Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliyay Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Xubno kala kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka.