Wednesday, June 17, 2026

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya.

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen laba markab oo ganacsi,marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha bari ee Soomaaliya, kuwaas oo ugu dambeyn ka badbaaday isku dayo lagu doonayay in lagu qabsado.

Markabka xamuulka qaada ee Greta Star, oo wata calanka Panama, ayaa la sheegay in 15-kii Juun ay u soo dhowaadeen rag hubeysan oo saarnaa doon yar xilli uu marayay koonfurta xeebaha Yemen.

Sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badaha ee Vanguard Tech, kooxdu waxay rasaas culus ku furtay markabka, balse shaqaaluhu waxay kordhiyeen xawaaraha markabka iyagoo qaaday tallaabooyin amni oo sababay in weerarku fashilmo. Ma jirin wax dhaawac ah oo la soo wariyay.

Dhanka kale, weerar kale ayaa lagu qaaday markab xamuul guud siday oo wata calanka Palau, meel qiyaastii 32 mayl-badeed koonfur kaga beegan deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari.

Sida ay sheegtay shirkadda Ambrey, laba doonood oo ay saarnaayeen ilaa 12 qof oo hubeysan ayaa rasaas ku furay markabka, iyagoo ku amray inuu istaago.

Kooxda ilaalada gaarka ah ee saarneyd markabka ayaa rasaas isweydaarsaday kooxaha weerarka soo qaaday muddo ku dhow 30 daqiiqo, ka hor inta aan la eryin doonyihii weerarka waday.

Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa xaqiijisay inay baaritaanno ku waddo dhacdooyinkan, iyadoo maraakiibta ku sugan aagga uga digtay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan digniinaha ku saabsan dib u soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliyeed, gaar ahaan xeebaha Puntland iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles