Tuesday, June 16, 2026

Australia oo Baaraysa Eedeymo ka dhan ah Ciidamada Israa’iil ee Weeraray Doon Gargaar u Sidday Gaza.

Dowladda Australia ayaa billowday baaritaan la xiriira eedeymo loo jeediyay ciidamada Israa’iil, kuwaas oo lagu accusay inay jirdil, tacaddiyo iyo faraxumeyn kula kaceen dad u ololeeya Gaza oo saarnaa doon gargaar oo ku wajahneyd marinka Gaza.

Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Gaza ee laga qabtay doomahaasi ayaa sheegay in dowladda Australia ay ballanqaadday baaritaan madax-bannaan oo lagu sameynayo eedeymaha ka dhanka ah ciidamada Israa’iil.

Ururka Global Movement to Gaza Aotearoa-Australia ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay:

“Dowladda Australia waxay oggolaatay inay sameyso baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan weerarrada, tacaddiyada galmada iyo jirdilka loo geystay dadka saarnaa doomaha gargaarka.”

Ururka ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kadib kulan ay la yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Australia Penny Wong, Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah Anne Aly, iyo wafdi sare oo ka socday Booliska Federaalka Australia iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa furay baaritaanno ku saabsan sida Israa’iil ula dhaqantay dadka saarnaa doomaha gargaarka, kuwaas oo ciidamada Israa’iil ay ku qabteen biyaha caalamiga ah xilli ay ku sii jeedeen Gaza.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles