Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaraya waddada Jamhuuriya oo dhacda Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xafladdii xarig-jarka ayaa ka warbixiyay dadaalka dowladda ee ku aadan dib u dhiska dalka iyo ahmiyadda wadadaan ay u leedashay bulshada Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay ka qeybqaata dib u dhiska dalka ,isla markaana aan iska qabanno cid kasta oo duullaan ku ah jiritaankeenna”, sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.




