Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay afar qof oo Muqdisho uga safray tahriib

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay afar qof oo isugu jira laba rag ah iyo laba dumar ah, kuwaas oo la sheegay inay doonayeen inay halkaas uga sii gudbaan waddamada dibadda.
Afarta qof ayaa la sheegay inay diyaarad kaga yimaadeen magaalada Muqdisho, waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradaha Kismaayo xilli ay halkaas ka sii amba-bixi lahaayeen.

Afhayeenka Booliska Jubbaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, ayaa sheegay in afarta qof mid ka mid ah lagu tuhunsan yahay inuu yahay qofka dadka tahriibiya, halka saddexda kale ay ahaayeen dad doonayay inay tahriibaan.
Booliska Jubbaland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan tallaabooyinka ka dhanka ah tahriibinta dadka, isla markaana dadka lagu qabto falalkaas sharciga la horgeyn doono.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa sannadihii dambe isku dayay inay tahriib ku gaaraan dalalka Yurub, iyagoo raadinaya fursado nololeed, hase yeeshee safarradaas ayaa badanaa la socda khataro iyo dhibaatooyin kala duwan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles