Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta ee Yemen dhowr duqeyn oo cirka ah, hadafka howlgalladanina waa in la wiiqo awoodda gantaalada ballistic-ga ee fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.
Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa hore u shaaciyay inay burburiyeen 136 bartilmaameed oo militari ah oo ku yaal meelaha ay maamusho dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta iyagoo sameeyay “hawlgal ballaaran.”
Shabakadda Al-Masirah, oo xiriir la leh dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, ayaa sheegtay in weerarrada Sacuudiga ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaal gobolka Saada ee waqooyi-galbeed Yemen.
Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii Xuutiyiinta ee Khamiistii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Riyadh ay ku dhinteen saddex qof.
Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sidoo kale soo warisay laba qof oo lagu dilay weerarradii Sacuudiga ee garoonka diyaaradaha ee Sanca.




