Fadhigii maanta qorsheysnaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday, kaddib markii Xildhibaanada loo diray farriin lagu wargelinayo in kulankii la qorsheeyay aan la qaban doonin.
Farriinta loo diray Xildhibaanada ayaa lagu yiri:
“Xildhibaanada Sharafta leh, kulankii qorsheysnaa waa baaqday. Mahadsanidiin.”
Baaqashada fadhiga maanta ayaa ku soo aadeysa xilli Golaha Shacabka uu sidoo kale Arbacadii la soo dhaafay awoodi waayay inuu yeesho fadhi rasmi ah, kaddib markii la waayay kooramkii sharci ee looga baahnaa in kulanka uu furmo.
Arrintan ayaa ka dhigan in kulamadii Golaha Shacabka ee maalmihii u dambeeyay ay wajahayaan caqabado la xiriira qabsoomidda iyo joogitaanka Xildhibaanada.
Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in fadhiga maanta la baajiyo, iyadoo Xildhibaanada lagu wargeliyay oo keliya in kulankii qorsheysnaa uu baaqday.




